FREE SHPPING ON ORDERS OVER $70

Cafimaad lagu helo sisinta & faa’ido leedahay wax badan ka ogow

𝐒𝐢𝐬𝐢𝐧𝐭𝐮 waxaa laga helaa Nafaqooyin kala duwan iyo fiitamiino uusan jirka bini aadamka usan ka maarmi karin iyo macdan muhiim ah u caafimaad-ka jirka oo waxay qani ku tahay dhamaan qaybaha kala duwan Ee Nafaqada sida: kaarboheydareytka, borotiinka, Duxda, Fiitamiinka iyo macdanta.

Arinta muhiimka ah ayaa waxay tahay cabir dhan tumun ama 100 garaam oo #sisin ah waxa laga helaa 100% xaddiga macdanta (minerals) jirku u baahanyahay maalinti : Calcium 100%, Iron 100% , Magnesium 100% , Phosphorus 100% ,iyo Zinc 100% ,

Sido kale waxa laga helaa 50% xaddiga fiitamiinada B jirku u bahanyahay maalintii : B 1,B2,B3,B6,B9

sisintu waxaa laga dhaliyaa salida macsarada.

1.Waxay kor uqadaan caafimaadka #lafaha waxayna ka hortagtaa xanuunada lafaha sida rumatiisamka : waxa ku jiro macdanta calcium, phosphorus ,zinc oo qayb ka ah qaab-dhismeedka iyo dayac tirka lafaha.

2.Waxay u fiicantahay #Dheef_shiidka : waxay qani ku tahay maadada faybarka (fiber) oo ka hortagto calool-fadhiga sidoo kale fiitamiinada B waxay ka qayb qaataan burburinta/ dheefshiidida cuntada .

3.Waxay u fiicantahay badqabka #ilmaha_uurka_kujiro : waxa kujiro maadada folic acid ama B9 oo loo bahanyahay inay qaadato hooyada uurka leh hadii maadadaan ay ku yartahay hooyada waxay ilmaha ku keentaa halis caafimaad sida xangulaha ilmaha oo kasoo kuusmo dhabarka.

4. Waxay yareysaa xanuunada #Neerfaha iyo walwalka ama walbahaarka : maadoonyinka magnesium ,cacium, fiitamiin B waxay muhiim u yihiin shaqada neerfaha iyo gudbinta fariimaha neerfaha .

5. Waxay ka hortagtaa #dhiig_yarida : xaddiga badan ee maadada iron waxay kamidtahay qaab-dhismeedka nunugyada dhiigga cascas.

6.Waxay u fiicantahay #maqaarka : waxa kujiro noocyo kamid ah duxda oo muhiim u ah caafimaadka maqaaraka.

7.Caafimaad #wadnaha : waxa ku jiro duxda unsaturated fatty acid oo ka hortagto cholestrol-ka xun sido kale macdan sida magnesiun oo muhiim u ah shaqada wadnaha.

8.Waxay ka qayb qaadataa #difaaca jirka iyo walxaha #suntaaa oo jirka laga saaro : waxa ku jiro xaddi aad ubadan maadada zinc oo ka qayb qaadato shaqada difaaha jirka.

9.Waxay muhiim u tahay hooyada nuujinayso iyo ilmaha : waxa kujiro borotiin iyo duxda muhiimka u ah koritaanka ilmaha iyo macdanta zinc ,magnesium iyo calcium oo ah nafaqooyinka muhiimka u ah hooyada iyo dhalaanka

10.waxay yareysaa caabuqa jirka iyo xanuunka sida caado wareenka.

share-dheh oo gaarsii asxaabtada si ay uga faaideystaan.

like dhah: page-ka Caafimaadka_iyo Nafaqada

Waxan ka soo xiganay Dr shaahid

Leave a Reply

Shopping cart

0
image/svg+xml

No products in the cart.

Continue Shopping